Soomaliya oo dabayaaqada Sanadkan qodaysa ceelkii shidaal ee ugu horeeyay, tani ma tahay fursadii ay somaliya kaga bixi laheed faqriga
wasiirka macdanta iyo petrolka Soomaliya ayaa wareeysi uu siiyay BBC da ku sheegay in dabayaaqada 2024 soomaliya laga soo saari doono shidaalkii ugu horeeyay dalka. Tani ayaa ka dhigan fursadii iyo watigii u midoobay soomaliya. Fursad aad u weeyn oo somaliya soo marta taas oo ka dhigi karta wadanka sida wadamada qaliijka. qormadaan waxaa kula wadaagi doonaa fursadaha dhaqaale iyo maalgashi ee ka imaan karta soo saarida shidaalka soomaliya
Maxaa la ogyahay ilaa iyo hada shidaalka Somalia.
Sahminta shidaalka laga raadinayo dalka soomaliya waxeey soo bilaabtay mudo fog sanadkii 1957 ka hor xurnimadii dowlada soomaliya ayaa ceelkii shidaal ee ugu horeyay laga qoday magaalada las caanood. Laga soo bilaabo xiligaas ka horburburkii dowlada somaliya waxaa baaritaano shidaal laga sameeyay ku dhawaad 68 aagood kuwaas oo 24 kamida laga helay shidaal. Balse nasiib daro intii aanan la qodin shidaalkaas ayee dowladii militariga aheed ay dhacday sanadkii 1991.
burburkii dowladii dhexe ka dib.
Markale intii u dhaxeeysay 2015 ilaa 2016 ayaa shirkadaha kala ah Som oil and gas iyo spectrum waxeey baaritaano shidaal ka sameeyeen inta u dhaxeeysa Hoybo ilaa kismaayo waxeey baaritaan ku sameeyeen dhul gaaraya ilaa 41,000 km2 dhanka bada ah. Balse markaan natiijada soo baxday ayaa qofwalba ka farxisay baaritaanka badda laga sameeyay ayaa lagu ogaaday in ay ku jiraan shidaal ka badan 30 billion barrels, kaas oo lacag ahaan lagu qiimeeyo lacag gaareysa 2.1 trilion oo dollar aan kugu celiyo waa 2.1 trillion oo dollar ma ahan million ma ahan billion waa trillion tani ayaa ka dhigi adoonta soomaliya mid kamida wadama dunida ugu barwaaqeysan ugu dhaqaale fiican waa hadii sifiican loo maareeyo. Jariirada gravity ayaa shidaalka somaliya ku sheegtay 111 billion barrel lacag ahaana u dhiganta 8.3 trillion oo dollar taas oo ka dhigaysa soomaliya wadanka lixaad ee ugu hidaalka badan dunida. Suaasha isweey diinta mudan ayaa ah maxeey dadka shacabka soomaiyeed u gaajonayaan madaxdeena soomaliyeedna meelaha uga soo tugsadaan, si kale maxaa ka hortaagan soomaliya inee qeeraadkeda lasoo baxdo.
Soomaliya iyo gayana
sanadkii 2015 soomaliya iyo dalka yar ee dhaca qaarada america ee lagu magcaawo guyana ayaa isla bilaabay baaritaanka shidaalka halka maanta dalka guyana uu lasoo baxay shidaalkiisa uuna suuq geesto dhaqaalihii wadankaasna uu isbadalay tusaale inta aysan shidaalka soo saaran ka hor dadka ku nool guyana 40% waxeey ku noolaayeen wax ka yar 5$ maalintii, sidoo kale daqliga soo gala dowlada guyana ayaa ahaa wax aan ka badneen boqolaal malyan ka hor inta aysan soo saaran shidaalkooda. Maxaa dhacay kadib markeey shidaalkooda soo saarteen. Dhaqaalaha dowladooda ayaa kor u kacay inka badan 40% dhaqaalaha dowlada soo gala ayaa gaaray 10 billion sanadkiiba halka la sheegayo in 2040 uu gaarayo 157 billion. Maanta GDP per capital guyana waa 25,000$ waxeey ku dhawyihiin ka sara maraan mareenkanka.
Mala gaaray xiligii shidaalka soomaliya lasoo saari lahaa .
Jawaabta su’aashaas aad ayee u fududahay waase hadii qeeyraadka dalka aanan la siyaasadeen oo dalka iyo dadka looga faaiideeyo kuwaas oo maanta baahi aad u weeyn u qaba. Si uu dal shidaalkiisa usoo saarto waxaa loo bahan yahay afar sheey
1. sharciga shidaalka ( national pertolium act)
2. sharciga wadaaga qeraadka ( national resource sharing )
3. hey’ada betroolka ( national petroleum authority )
4. heey’ada ganacsi geenta shidaalka ( national commercial entity ).
Inta badan sharciyada sidaalka soomaliya waa ay u sameesan yihiin sharciga shidaalka waxaa la ansixiyay february 2020, sidoo kale heshiiskii beeydhawo ee qeeraad qeebsiga 2018 ayaa la meel mariyay kas oo lagu xusay in dowlada federalka ay 60% qeeradka ay qaadan doonto halka mamulada dowlada federalka ay qaadan doonan 40% kaas oo 10% ay leeyihiin deegaanka ceelka shidaalka laga qoday. Sidoo kale waxaa sameeysan hey’ada shidaalka taas oo la sameeyay 2020 kii. Waxa kaliya ee haray ayaa ah soo saarida shidaalka iyo sameenta hey’adii iibin geeyn laheed shidaalka.
.jpg)
Comments
Post a Comment