Halista caagadaha biyaha laga cawo u leeyihiin deeganka iyo dadka xiliga Ramadaanka

 Maaddada la yiraahdo BPA (Bisfenol-A) waa walax kamid ah kiimikada wershadaha (Industrial Synthetic Chemical). Waxyaabaha ay farsamadooda ka qayb-qaadato waxaa kamid ah caagadaha. Tan iyo sanadkii 1975-kii si heer sare ah ayaa looga ganacsanayay farsamada caagadaha oo ay la socoto BPA. Prof. Carlos Sonnenschein iyo ardeydiisii waxay sanooyin badan diraasad ku hayeen raadka uu BPA ku yeelanayo jiirka (doolliyo) ay shey-baarrada ku hayeen, kuwaas oo lagu mudayay jurcooyin kala duwan oo BPA ahaa. Si tijaabadu ay u noqoto mid ku timaadda qiyaas sax ah, waxay adeegsadeen agab xasaasi ah oo uusan khalad ka dhici karin. Iyagu waxay heleen natiijo gilgishey gebi ahaan bulshadii aqoonta oo ay xiriirka la lahaayeen.

Waxaa xusid mudan, in caagadaha balaastikada Sanadkii 2015-kii waxaa dunida laga adeegsaday 8 melyan oo tan oo balaastiko ah. Sanad walba tiradaasi waxay korortaa 8 %. Sida caadadu tahay walax kasta oo sun ah ee jirka aadamiga gala, khatarteeda kama timaaddo jurcooyinka wayn. Bal waxay ka timaaddaa jurcooyinka yar oo sida qun-yar socodka ah ugu maaxda jirka oo la ogaado xilli aanan wax laga qaban karin. Sidaa darteed ayaa jurcooyinka yar ee BPA waxaa loo eegaa in uu khalal ku ridayo hannaanka qanjirrada ee gudaha (Endocrine Glands). Wuxuu markaas kharibayaa iniinaha hormoonnada ah ee hagaajinaya habsamida ay xubnaha jirka ku shaqeeyaan.
Carlos Sonnenschein iyo ardeydiisii, tijaabooyinkii ay sanooyinka badan wadeen, natiijadii waxay ku muujiyeen xiriirka ka dhaxeeya jurcooyinka yar BPA ee jirka gudihiisa gala iyo raadka ay ku yeeshaan. Culimadii aqoonta sunta, iyaga oo ay ka tahay niyad-wanaag ayay ka hor-yimaadeen natiijada oraneysa in BPA ay leedahay dhaawac. Sanooyink badan oo balaastikada la adeegsanayay iyo sida ma-muuqatada ah ee uu jirka u dhaawacmayo ayaa culimadan waxay ka qarisey halista ay leedahay walaxdan. Shirkadihii waawaynaa ee balaastikada waxay markiiba bilaabeen olole ay ku difaacayaan ganacsigooda ay sanad walba ka faa’iidaan balaayiinta lacagta ah.
Si lamid ah shirkadihii tubaakada, ayay bilaabeen in ay hawl-geliyaan aqoon-yahannadii laaluushka. Iyaga oo adeegsanaya aqoonta ayay si walba u raadiyeen xeelad ay ku beeniyaan in BPA laga qaado cudur. Kharash badan oo ay shirkaduhu bixiyeen iyo wakhti badan oo aqoon-yahannadu ay geliyeen ayaa ku baxay in la helo tijaabooyin aqooneed oo ayan ka muuqaneyn natiijadan ay baaseysteen. Xilligaas ay aqoon-yahannada jahliga loo kireystey, natiijooyinka ay heleen waxay ku sheegeen in ayan wax khatar ah jirin. Aqoon-yahannadii xaqiiqo raadiska ahaa ayaa iyaguna waxay sheegeen in ay jirto khatar ay balaastikadu leedahay.
Xilliga ay arimihu u dhacayaan sidaas, waxaa jirtay cilmi-baaristii lagu sameeyey shey-baarradii dowladda, natiijadii laga heley 93 % waxay noqotay jurcooyinka yar ee BPA in uu dhaawac u geysanayo jirka aadamiga. Wax natiijo ah oo midkaas lamid ah lagama hayo shey-baarradii ay maal-geliyeen wershadaha balaastikada. Si haddaba loo helo natiijadii kala saari lahayd labadaas arin, waxaa daba-gal lagu sameeyey sababta uu kala duwanaanshahan u yimid. Waxaa dib loogu laabtay natiijooyinka sahankii aqooneed oo ay sameeyeen culimadii laaluushka ka qaatay wershadleyda balaastikada.
Waxaa caddaatay in aqoontii ayan si sax ah u shaqeyn oo ay jirto been-abuur iyo xeelad. Aqoon-yahannada jahliga, hantidii badnayd oo ay ka heleen ganacsatadii wershadaha balaastikada waxay ku qabteen tijaabooyin badan. Hadafku wuxuu ahaa in ay badbaadiyaan ganacsiga balaastikada. Si ay arinkaas ugu guuleystaan waxaa u muuqatay in ay raadiyaan tijaabo burineysa natiijada culimadii xaqiiqada soo bandhigey. Sidaa dartee waxay ku dhaqaaqeen tiaabooyin badan oo jurcooyin BPA ah ay ku mudayaan doolliyo. Sida la ogsoon yahay jaad walba oo xayawaan ah waa ummado ala duwan. In-kasta oo ummad waliba ay a siman-tahay muuqaalka guud ee dhaxal-curiyaha (DNA-ga), misana ummad walba waxay ka kooban tahay qowmiyado DNA-goodu uu kala duwan yahay.
Waraaqihii laga heley arkiifkii aqoon-yahannada culuumta jahliga, waxaa laga heley qoraallo ka fajicisey culimaii baaritaanka u hayay arinmahan murugsan. Noocyadii jiirka ee kala duwanaa waxay ka heleen kuwo gaar ah oo DNA-gooda uusan u oggolaaneyn jareeraha BPA in uu isu rogo jareere ah Estorogen oo ah midka kaankarada sababaya. Taasi waxay ahayd xeelad qurux badan oo ay ku guuleysteen kuwa doonayay in ay dad-wayanah ka yeelaan kuwo juhala ah. Waxay ahayd xeelad si edboon u qarineysa. Markaas ayaa culimadii jhliga waxay faafiyeen, tijaabooyinkii ay qabteen in natiijadeedii ay ku heleen in adeegsiga balaastikada ay tahay mid 1000 jeer ka amaan badan heerkii la moodayay in ay khatar ka iman karto.
x

Comments

Popular posts from this blog

The Education System of Somalia: Resilience and Progress Amidst Challenges